Menu
Navigate & Settings
Settings
Language Choose your preferred language
Currency Select your currency
Theme Light or dark mode
Horumarka AI-ga iyo Saamaynteeda Adduunka
Horumarka AI-ga iyo Saamaynteeda Adduunka

Horumarka AI-ga iyo Saamaynteeda Adduunka

Abdihakin Elmi
Written by Abdihakin Elmi
Published on 15 Feb 2025
Category Articles

Sanadihii ugu dambeeyay, horumarka Artificial Intelligence (AI) waxa uu
keenay isbedello waa weyn oo ku yimid nolosha aadanaha. Waxa uu si gaar ah u saameeyay gaadiidka
ilaa daryeelka caafimaadka.

Sanadihii ugu dambeeyay, horumarka Artificial Intelligence (AI) waxa uu
keenay isbedello waa weyn oo ku yimid nolosha aadanaha. Waxa uu si gaar ah u saameeyay gaadiidka
ilaa daryeelka caafimaadka.

Tusaale ahaan, shirkadda DeepSeek waxay soo bandhigtay model-yo cusub oo awood u leh inay qoraalka iyo code-ka si fiican u fahmaan. Modelkooda DeepSeek Coder ayaa noqday mid aad muhiim ugu ah horumarinta software-ka, wuxuuna la tartami karaa Claude iyo GPT. Wuxuu awoodaa inuu xaliyo mashaakil adag oo programming ah, isagoo ka caawinaya developers-ka inay shaqadooda si dhakhso leh u qabtaan.

Sidoo kale, waxaan aragnaa AI oo si weyn uga qayb qaadanaysa dhinaca waxbarashada. Ardaydu hadda waxay heli karaan caawimo shakhsi ah oo ku saabsan cashiradooda, iyadoo AI adeegsanayo.

Dhinaca Caafimaadka

AI wuxuu ka caawinayaa dhakhaatiirta inay si sax ah u ogaadaan xanuunada, gaar ahaan dhinaca sawir-qaadista medical-ka ah. Waxay si dhakhso leh u ogaan karaan calaamadaha kansarka ama xanuuno kale, taasoo badbaadinaysa nolosha bukaanada.

Laakiin horumarka AI wuxuu sidoo kale keenay su'aalo cusub oo ku saabsan anshaxa iyo badbaadada. Waa in aan hubinnaa in teknolojiyadan cusub loo isticmaalo si mas'uuliyad leh, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dadka iyo sirtooda.

Mustaqbalka, waxaan filan karnaa in AI-ga uu beddelo nolosha aadanaha. Shaqooyinka qaarkood ayaa isbeddeli doona, kuwo cusub ayaa soo bixi doona, waxaana muhiim ah in aan diyaar u noqono isbedelkaas.

Dhammaadka

Horumarka AI waa mid aan joogsamayn, waxayna keeneysaa fursado badan oo wanaagsan.

Comments

Reply to Comment
Comments Approval

Your comment will be visible after admin approval.

Horumarka AI-ga iyo Saamaynteeda Adduunka
You are studying
Horumarka AI-ga iyo Saamaynteeda Adduunka
Abdihakin Elmi
Written by Abdihakin Elmi