Career Roadmap: From CV to Offer ( Baro xirfadda shaqo Raadinta, kuna guulayso shaqo )
in CommunicationAbout this course
Career Roadmap: From CV to Offer ( Baro xirfadda shaqo Raadinta, kuna guulayso shaqo )
Comments (0)
Qorista CV wanaagsan wuxuu qeybta ugu weyn kuleeyahayn kuguulaysiga shaqada. Maadaama ATS sameeyo xulista gaaban ( Shortlisting) ka, waa inaad qortaa CV Profesional ah, system kuna fahmi karo. Cashirkan waxaad ku baran doontaa labo naqshadood oo CV qorista ugu wanaagsan.
Talaabada ugu horeysa ee qofku u baahan yahay waa inuu fahmo shuruudaha shaqada. Codsiga shaqada adigoon fahmin shuruudaheeda, waxay qeyb-weyn ka qaadataa inaad fashilka. Waxaa jira 8 arimood oo shaqada marka la soo dhajiyo laga eego. Cashirkan ayaadna ku baran doontaa.
Cashirkan waxaa si waangsan ugu baran doontaa qaabka loo qoro Codsiga shaqada ( Application ama cover letter). Waxaa kaloo ku baran doontaa khaladaadka dadku galaan markay qorayaan Cover letter, una keenta guuldarada.
Cashirkan waxaad ku baran doontaa Qaabka looga helo shaqo hay’adaha Caalamiga iyo UN-ka. Waxaa kaloo si wanaagsan loogu sharixi doonaa noocyada shaqada UN-ka.
Cashirkan wuxuu si wanaagsan u sharixi doonaa qaabka looga gudbo system-ka dadka kala xula.
Cashirkan waxaad ku baran doontaa qaab-ka loo qoro Emails-ka si professional ah. Si wanaagsan u qor email oo shaqada u codso.
Ma hubtaa inaad shaqada aad codsanayso u qalanto? Qaabkeed ku ogaanaysaa? Cashirkan ka baro iyadoo kooban.
Halkan waxaad ku baran doontaa talooyinka dadka khurabada ah ay bixiyaan si aad ugu guulaysato waraysiga shaqada. Talooyinka waxay kuu sahlayaan inaad hesho kalsooni iyo dhiiranaan aad si wanaagsan ugu jawaabto.
Cashirkan waxaad ku baran doontaa qaaciidoyinka la raaco marka laga jawaabayo waraysiga shaqada. Waxaa jira qaaciidooyin ama Formulas ay tahay inaad ilaaliso marka aad jawaab bixinayso. Haddii aadan aqoonin qaaciidooyinkaas, jawaabtaadu ma noqon doonto mid dhamaystiran.
Su'aal kasta oo waraysiga shaqada waxaa jira ujeeddo laga leeyahay, iyo hadaf larabo in laga gaadho. Waxaaad ku baran doontaa cashirkan ujeedooyinka su'aalkasta waxaadna faham buuxa ka qaaadan doontaa su'aalo muhiim ah iyo ujeedooyinka laga leeyahay. Waxaa jira su'aalo badan oo ujeedkoodu ka duwan yahay macnaha guud ee english-ka kuqaran laga fahmayo.
Cashirkan markaa qaadato, waxaad sii qiyaasi doontaa dhammaan su'aalaha shaqada aad codsatay kaaga imaan doona.
Halkan ama cashirkan waxaad ku baran doontaa su'aalaha guud ee inta badan waysi walba laga yaabo inay qeyb kaga jirto. Waxaan sidoo kale kusoo koobaynaa ujeedooyinka su'aalahaas laga leeyahay.